Axmed Madoobe Oo La Kulmay Xubno Ka Socda Guddiga Difaaca Baarlamaanka Dalka Kenya

1
314

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo waxa uu kula kulmay Xildhibaano ka socda Guddiga Difaaca Baarlamaanka dalka Kenya oo Kismaayo gaaray.

Xubnahan ayaa Aqalka Madaxtooyada Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe, waxaana ay ka wada hadleen arimaha ku aadan howlgalka ciidanka Kenya ee Soomaaliya iyo dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Xildhibaanada ka socda Guddiga Difaaca Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe waxa ay u sheegeen in Kenya ay go’aan ku gaartay in la xiraayo Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Kismaayo in ay ka mid tahay meelaha la qorsheeyay in dib loogu soo celinayo Qaxootiga laga soo celinaayo Xeryaha Dhadhaab.

Xubnaha ka socday Guddiga Difaaca Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sidoo kale booqday goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee Kismaayo.

 

Comments are closed.