Ciidamada Dowlada Oo Howlgala Ka Wado Magaalada Jowhar Kadib Qarax Lagula Egtay….

1
310

Inta la ogyahay afar askari ayaa ku geeriyootay  saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bambaano oo xalay lagu weeraray fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay bambaanooyin ku tuureen fariisimaha ciidamada dowladda ku sugnaayeen ee duleedka Degmada Jowhar.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay weerarka bambaano ee lagu qaaday ciidamada dowladda ee saldhiga ku lahaa duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar.

Ciidamada ayaa howl galo ka wada agagaarka garoonka diyaaradaha, iyadoo ay baxsadeen kooxihii bambaanada ku weeraray saldhiga ciidamada

Askarta ku dhaawacantay weerarka bambaano ayaa dhaawacooda la dhigay Isbitaalka magaalada Jowhar.

Garoonka diyaaradaha oo qiyaastii magaalada Jowhar u jira illaa 15 KM ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo ciidamada Milateriga.

Comments are closed.