Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Howlgallo ka wada Shabellaha Hoose Iyo Al shabab Oo Bilabay,,

0
405

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ayaa dhaqdhaqaayo ka wada Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana Meelaha ay ka wadaan ka mid ah Degmada Tooratoorow iyo Tuulooyinka hoosyimaada iyo Degmada Qoryooley ilaa Degaanka Shalaanbood.

Ciidamada Huwanta ah ayaa sheegay in ay Burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku Tababaraan Dhalinyarada u dagaalanta oo ku yaalla Tuulooyin hoostaga Degmada Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab war ay ku faafiyeen Mareegaha wararkooda lagu Daabaco ayey ku sheegeen in ay dib ula wareegeen Tooratoorow,iyagoo sidoo kale qirtay in Ciidamada is garabsanaya ay Burburiyeen Goobo ay ka mid yihiin Xarunta Degmada iyo Saldhigii Shabaab ee ku yaalay Tooratorow.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Howlgalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose ay ku Gacan siinayaan Ciidamo Mareykan ah oo wata Diyaarado Dagaal.

amisom