Ciidamada dowladda oo Fashiliyay Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay

1
366

Ciidmada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo ay ciidamadu sheegeen in la doonayay in lagu qalqalgaliyo amaanka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hub kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in goor dhow saxaafadda loo soo bandhigayo hubkaasi iyo dadka loo soo qabqabtay.

Comments are closed.