Wararka inaga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Aadan-yabaal.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay soo qab qabteen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka degmada Aadan-yabaal.
Gudoomiye Maxamuud Sheekh Xasan ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda ay soo qab qabteen rag Al-shabaab ka tirsan oo hadafkooduna ahaa in ay weeraro ka geystaan degmada Aadan-yabaal.
Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.