( DAAWO ) Nin ay xubintiisa taranka ka goosatay Jibiso xili uu musqusha ku xaajoonayay:

0
740

 

Ninkan ayaa hada kasoo kabanaya dhaawac xun, kadib markii Maska Jibisada loo yaqaan ay

ka goosatay qeyb kamid ah xubintiisa taranka, xili uu ku kaadinayay Musqushiisa, waxaana

dhex maray dagaal xun, iyadoo markii danbe xaaskiisa usoo gurmaday.

Kooxaha gurmadka deg dega oo goobta soo gaaray, ayay nusu saac ku qaadatay, ineey Jibisada
kasoo saaraan Tuunjiga musqusha.
Attaporn Boonmakchuay, ayaa markii Masku ka qabsaday xubintiisa taranka, si aad ah
ula dagaalamay waxaana markii dambe usoo gurmaday xaaskiisa, iyadoona u keentay Mindi uu
isaga gooyo afka Maska, kaasoo la tegay qeyb kamid ah xubintiisa taranka.

Attaporn Boonmakchuay, oo hada kujira Isbitaal ku yaal meel ud how magaalada Bankok,
ayaa dhaqaatiirtu u xaqiijiyeen inuu aad u nasiib badanyahay, maadaama Masku uusan ka goosan
qeybta ugu muhiimsan qalabkiisa, waxeeyna sheegeen inuu dhawaan kasoo bogsan doono.