13 qof oo lala xiriirinaayo inay fududeeyeen weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 2-dii bishii February lagu weeraray mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines, ayaa markii labaad ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysanayaasha, ayaa waxaa fadhigii maanta lagu weydiiyay su’aalo la xiriira waxa ay ka ogyihiin weerarkaasi iyo doorka ay ku leeyihiin, haddii ay noqon laheyd fududayn amaba ku lug lahaansho toos ah.
Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamdda Darjada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxaa uu Xeer Ilaalinta uu ka dalbay inay keenaan cadaymo dheeri ah oo lagu qanci karo.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhageysiga eedeymaha loo haysto 13-kaasi qof, oo middi ay tahay haweeney, illaa iyo inta ay Xeer Ilaalinta ka soo dhmeystirayso cadaymaha laga doonaayo.