{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Jabuuti Oo Deeq Raahin ah U qeybisay Dadka Kabarakacay Fatahaada Wabiga Baladweyne

3
898

Deeqdan raashinka ah ayaa Waxaa ay  iskugu jirtay bur baris saliid iyo sonkor taas oo lagu talagalay dadka ay saameyeen fatahada wabiga shabeelle ee magalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan.

Goobta lagu qeybinayay Raashin ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Safiirka Dalka Jabuti Iyo Wasiiro Ka socdo Dowlada soomaaliya  Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Saraakiisha  Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika AMISOM,

Safiirka Jabuuti U fadhiya  Soomaaliya Amb. Dhayib Dubad Rooble ayaa Shegay in Deeqan Logu talagalay  Labo kun Iyo Afar  oo qoys waxana deeqdan so dhiibay  Marwada Madaxweynaha Dalka Jabuuti khadro Maxamuud Xeyd oo ugu tala gashay in lagu caawiyo shacabka Reer Baladweyne ee ay biyaha maansheeyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed} Ayaa U mahad celiyay marwada Madaxweynaha Dalka jabuuti kaalmada ay so dhiibtay ,waxana Gudoomiye Dabaged U shegay In ay kala wareegeen Dowlada Jabuuti Raashin Logu talagalay 2,400 oo qoys,

Wasiirka badroolka Iyo Wasiirka dhalin yarada soomaaliya ayaa u mahadceliyay  dowlada jabuuti deeqda ay manta soogaarsiyen dadka ku dhibaateysan duleedka baladweyne oo dhawaan ka qaxay guryahooda markii ay fatahaad ku dhufatay Deganadooda

DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (1) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (2) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (3) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (4) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (5) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (6) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (7) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (8) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (9) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (10) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (11) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (12) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (13)

 

Mustaf Xasan Cabdi  

Radio Hiranweyn Baladweyne

Comments are closed.