{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Jabuuti Oo Manta Deeq U qeybisay Shacabka Ay Fatahaada Saameysay Baladweyne

1
590

Saraakiisha iyo Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika AMISOM, ayaa la arkayay maanta iyaga oo ku dhax-jira Qoysaska ku Barakacay Fatahaaddii iyo Dagaalladii Beledweyne una qeybinaya Bustayaal, iyo Mar-kaneeco, iyaga oo aan wax cabsi ah muujin.

Kaalmada saraakiisha Jabuuti ay gaarsiiyeen bulshada, ayaa ka timid Xukuumadda Jabuuti, sidda uu sheegay Dayib Dubad Rooble oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidanka Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in tallaabadan ay Qaadeen tahay mid ay ugu Gurmanayaan Shacabka Dhibaateysan, iyagoo intaa ku daray in wixii kaalmo ah ee loogu soo dhiibo gaarsiin doonaan.

 

13315535_1722501724687771_6522665697214362547_n Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (6) Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (1) Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (2) Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (3) Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (4) Deeqda Ciidamada Jabuuti ay gaarsiyeen shacabka baladweyne  (5)

Aadan Cabdi Axmed 

Radio Hiranweyn Baladweyne

Comments are closed.