{DAAWO SAWIRADA} Hay’ada Nabadsugida Somaliya oo sheegtay in ay soo qabatay gaari ay saaran yihiin waxyaalaha qarxa iyo hub

3
506

Hay’ada Nabadsugida qaranka NISA ayaa sheegtay in ay qabatay  gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo hayaddu sheegtay in la doonayay in lagu qalqalgaliyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

“NISA ayaa qaaday howlgal waxaana ku soo qabqabanay illaa 4 ruux, Hub iyo Aaladaha loo adeegsado walxaha qarxa, waxaana la doonayay in dilal iyo qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho”ayuu yiri Mudane C.kaamil.

Hey’adda Nabadsugida ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleysatay inay ka hor-tagto weeraro la qorsheynayay, waxaana ay gacanta ku dhigtay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay hub iyo agabyo kale.

hub (1)hubka-qarax la soo qabtay (2)hub (2)hub (3)hub (4)gfd

Comments are closed.