Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka oo halkaasi u jooga tababaro qaas ah.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ku tashkiiliyay inay u degdegaan dalkooda si ay waxbadan uga bedelaan xaalada is diidan ee wali uu ku jiro dalka.
Saraakiisha ayaa Madaxweynaha u balanqaaday inay ka dhabeyn doonaan hamigooda ah in waxbadan ay ka bedelaan xaalada uu dalka ku jiro iyaga oo astaan ka dhigan doona wadaniyad iyo cadaalad aan marnaba kala maarmin.