{DAAWO SAWIRADA} Ninkii soo agaasimay qaraxyadii Kampala oo dambi lagu helay Iyo Maxkamada Oo..

0
361

Maxkamad ku taalla Kampala ee dalka Uganda ayaa dambi ku heshay Isa Ahmed Luyima iyo 12 kale oo loo heysto weeraradii sanadkii 2010 Al-Shabaab ku qaaday magaalada Kampala, kaasoo ay ku dhinteen 74 ruux.

Xaakimka Maxkamadda ayaa lagu wadaa inuu go’aan ka gaaro dacwadan oo soo socotay tan iyo sanadkii 2010, waxaana dadka la soo eedeeyay lagu tilmaamay kuwo ka qeyb qaatay weerarada.

Isa Ahmed Luyima ayaa la sheegay in xilligii uu dhacayay weerarada Kampala uu ka soo gudbay xuduuda Kenya iyo Uganda, isla markaana uu soo abaabulay weeraradaas.

Dadka la soo eedeeyay ayaa waxay shan ka mid ah u dhalatay dalka Uganda, 2 Tanzania iyo 6 u dhalatay dalka Kenya.

Maxkamadeynta dadkan ayaa qaadatay muddo lix sano ah, iyadoo Maxkamadda ay wixii ka dambeeyay weeraradii Kampala ay dhageysaneysay dacwada loo heysto 13 qof oo horay ciidamada ammaanka ay howl galo ugu soo qabteen.

Ammaanka magaalada Kampala ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo si aad ah looga dareemay maxkamadeynta ragga loo heysto weeraradii Kampala ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday maqaayad ay leeyihiin dadka Itoobiyaanka iyo goob lagu daawanayay Final-kii Koobkii Adduunka ee sanadkii 2010.

maxkamad (2)maxkamad (1)maxkamad 9