{DAAWO SAWIRADA} Qasaraha Fatahaada Baladweyne Oo Korortay Iyo Dadka Oo Bilabay in Ay Sameyaan

2
1654

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Cakiran, Waxaana Saacadihii ugu dambeeyay si weyn uga barakacay Magaalada inta badan Dadkii ku noolaa, guryo cooshado ka sameysan ka dhistay deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka bari magaalada Beledweyne.

Biyaha ayaan wali  nusqaan laheyn, waxaadna moodaa in saacadba saacada ka dambeysana ay isa soo tarayaan, taasoo quus iyo Rajo beel ku riday dadkii tirada yaraa ee markii horeba magaalada isku celinayay.

Shacabka badan ee ka baxaya magaalada, ayaan heli ilaa iyo hadda gargaar micno leh oo la taaban karo, Waxaana jira codsiyo is-daba-joog ah oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka loo jeedinayo, kuwaasoo aan illaa hadda aan wax jawaab ah ka bixin.

FATAHADA WABIGA  (1) FATAHADA WABIGA  (2) FATAHADA WABIGA  (3) FATAHADA WABIGA  (4) FATAHADA WABIGA  (5) FATAHADA WABIGA  (6) FATAHADA WABIGA  (7) FATAHADA WABIGA  (8) FATAHADA WABIGA  (9) FATAHADA WABIGA  (10) FATAHADA WABIGA  (11)

Comments are closed.