Tan iyo markii ay bilaabatay fatahaada webiga shabeele ayaa ururka dhalinyarada gobolka hiiraan waxa ay bilaabeen in ay kaalmeeyaan dadka ay fatahaada sameysay eek a barakacay xaafdaha beledweyne iyo kuwii ko go,doomay ee aaney u suura galin in ay ka baxaan biyaha
Dhalinyaradan ayaa isku xilqaamay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen samata bixinta dadka ay dhibaatada gaartay iyadoo aysan jirin cid ku gacansiisay u gargaarida dadka tabaaleeysan
Gar gaarkii ugu horeeyay ee ay gaarsiiyaan aya ahaa biyo dhaamin ay u sameyn dadkii barakacay oo aan heli Karin biyo nadiif ah iyo mara kaneecooyin aay gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee ku go,doomay xaafada holwadaag
Xubno kamida ururka dhalinyarada gobolka hiiraan ayaa ka hadlay wax qabadkooda waxana ay ku baaqeen in la is caawiyo
Gudoomiyaha ururka dhalin yarada gobolka hiiraan Mohamed Abdullahi Burale ayaa sharaxaya gar gaarkan ay ururka u fideen dadka dhibaateysan iyo
Qaarka mida dadka gaarka biyo dhaaminta ah loo sameeyay ayaa dhankooda ka mahad celeyay waxana ay sheegeen in dadka kale ee ilaah wax siiyay ay ku daysadaan ururka dhalin yarada gobolka hiiraan oo ay caawiyaan dadka dhibaateeysan