{DAAWO SAWIRADA} Xaflad lagu daahfurayay dib u howlgalinta Ururka NUSOJ oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

2
390
????????????????????????????????????

Xaflad si heer sare loo agaasimay oo lagu daahfurayay dib u howlgalinta Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ aya maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlada,  baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, hay’ado caalami ah iyo saxafiyiin isugu jiray kuwo ka kala yimid gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si toos ah loogaga daawanayay taleefishinka Universal ayaan goor dhow idiin soo gudbin doonaa nuxurkii qudbadaha halkaa laga jeediyay.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maahir Jaamac Aadan ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay qaabka ay ku timid dib u howlgalida ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed NUSOJ isagoo sheegay in muddo 16 maalmood ah uu u socday shirweyne golaha guud ee NUSOJ kaasoo ugu dambeyntii dib u habeyn ku sameeyay dastuurka ururka uuna ururka sameeyay doorasho ay ka soo baxeen hogaanka ururka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa afhayeenka UNSOM oo sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay ururka NUSOJ ayna garab istaagi doonto sidii ururku u gaari lahaa hadafkiisa,

“Dib u howlgalinta ururka NUSOJ waxa uu ku soo beegay xilli xasaasi ah oo loo diyaargaroobayo doorasho,waxaan ugu baaqeyaa dowlada inay tixgeliso saxaafada xorta ah si u soo gudbiyaan qaabka doorashada,”ayuu yiri afhayeenka UNSOM.

Sidoo kale waxaa munaasbadan ka hadlay wakiil ka socday hay’ada Vicas Mr Beck waxana uu sheegay Mr Beck inuu wakiil ka yahay saxafiyiinta Caalamka oo idil ayna soo dhoweynayaan ururka NUSOJ dib u howlgalintiisa.

Agaasimaha Wakaalada wararka Sonna Mudane C/man Yusuf Alcadaala ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in saxafiyiinta ay yeesheen hogaan mideysan waxana uu ugu baaqay saxafiyiinta inay howlahooda si hufan u qabtaan.

Xoghaya guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimu oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed uu haatan u furmay bog cusub,waxana uu u mahadceliyay guddigii badbaadada saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay inay midoobaan saxafiyiinta.

“Waa wax lagu farxo in saxafiyiin ay ka kala yimaadaan dhammaan gobolada dalka ayna doortaan hogaan waxayna taasi na xusuusineysaa xilliyadii dowladii hore oo dadku is dhex geli jireen,”ayuu yiri Maxamed Ibraahin Nur xoghayaha guud ee NUSOJ,

Xoghayaha ayaa ballanqaaday in ururku uu ku dadaali doono sidii tababaro ku filan ay u heli lahaayeen,waxana uu ugu baaqay saxafiyiinta inay midoobaan,

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Ciyarjecel oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadan ayaa ku ammaanay xoghayaha guud ee NUSOJ inuu yahay geesi wadani ah isagoo xusay in uu diiday in uu dego dalka Ingiriiska balse ka doorbiday inuu dalkiisa ku soo laabto oo shacabkiisa u shaqeeyo.

Guddoomiyihii hore ee maxkamada sare Avv Ceydiid Ilkaxanaf ayaa u hambalyeeyay ururka NUSOJ isagoo ka hadlay dhibaatada uu isqabqabsigu leeyahay waxana uu u rajeeyay ururka guul.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan  Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska waxana uu hambalyo u direy guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed oo haatan yeeshay hogaan mid ah waxana uu sheegay in Wasaarada warfaafinta ay marwalba u taagan tahay inay la shaqeyso saxafiyiinta.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu doortay hotel City Plaza ee magaalada Muqdisho hoggaanka ururka Nusoj kadib markii uu wadahadal qaatay 17 maalmood ay saxafiyiin ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya ay ku soo doorteen hoggaan cusub oo ururka Nusoj hogaamiya,

xuka (1)

xuka (4)

xuka (5)

xuka (6)

xuka (7)

xuka (8)

xuka (9)

xuka (10)

xuka (11)

Comments are closed.