Madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka qeyb galaaya shirka looga hadlaayo arimaha xuquuqul aadanaha ee ka furmay dalka Turkiga.
Madexweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka jeediyay khudbad dheer oo uu ugu hadlaayo xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo sidoo kale qorshaha dowladiisa ee ku aadan hormarinta arimaha aadanaha.
Shirkaan ayaa ah shir caalami ah waxaana kasoo qeybgalay ku dhawaad 70 madexweyne raiisulwasaarayaal iyo sidoo kale ku dhawaad 600 oo aqoonyahan.
Waa shirkii ugu horeeyey ee looga hadlaayo arimaha xuquuqul aadanaha oo lagu qabto dalka Turkiga.
Shirkaan wuxuu socon doonaa muddo labo maalin ah, waxaana la filayaa in maalinta beri ah la soo gaba gabeeyo.