Kulan looga hadlayay sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyn fatahaadaha ku dhuftay magalada beledweyne
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hey,ada hormuud foundation iyo gudiga gurmadka fatahaadaha webiga shabeele ayaa looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka aay saameysay fatahaada
Qaar kamida xubnaha gudiga samata bixinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga shabeele ayaa uga mahad celiyay hey,ada hormuud foundation sida aay uga qeyb qaadatay gurmadka dadka tabaaleeysan
Waliilka hormuud foundation ee beledweyne c/raxmaan ibraahim ayaa sheegay in hormuud foundation ay tahay hey,adii ugu horeeysay eek a jawaabta baaqa dadka danyarta ah ee ay dhibaatada gaartay
Waxa uu sheegay in aay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ugar gaarida dadka dan yarta ah ee banaananka ku dhibaateeysan
Sidookale waxa uu sheegay in ay hayaan gar gaar loogu talagalay kun qoys oo kamida dadka ay dhibaatada gaarsiisay fatahaada intaasna ay san kaga hari doonin oo ay ka qeyb qaadan doonaan samata bixindooda