Ururka dhalinyarada gobolka hiiraan ayaa bilaabay ug gar gaarida dadka ay sameysay fatahaada iyo colaadaha ka jira degmada beledweyne.
Gar gaarkii ugu horeeyay ee ay u fidiyaan dadka dan yarta ah ayaa aheyd biyo dhaamin ay u sameeyeen dadka ka barakacay biyaha iyo mara kaneecooyin ay gaarsiiyeen dadka dhibaatada ay saameysay gaar ahaana kuwa barakacayaasha ah.
Waxa ay manta gar gaar mara kaneecooyin ah ay gaarsiiyeen dadkii ku go,doomay xaafada holwadaag ee degmada beledweyne kuwaas oo ay isku biirsadeen colaadahii ka dhacay xaafadaasi iyo fetehaada webiga shabeele
Qaar kamida dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryahaha xaafada holwadaag oo mara kaneecooyinka la gaarsiiyay ayaa ka mahad celiyay gar gaarka ay dhalin yarada soo gaar siiyeen kaas oo ay baahi weyn u qabeen dadka danyarta ah.
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Mohamed Abdullahi Burale ayaa ugu baaqay hey,adaha gar gaarka iyo dadka soomaaliyeed ee hantida heysta in aay caawiyaan dadka walaalahood ah oo ay dhibaatada heysato.
Waxa kale uu sheegay in ay xeryaha barakacaaysha ay ka jirto dhibaato aad u baaxad weyn dadkana ay u baahan yihiin caafimaad iyo hooy iyo wax aay cunaan .
Wariye Aadan Cabdi Axmed
Radio Hiranweyn