{DAAWO SAWIRKA} Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

0
351

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala timid gobalada dalka Soomaaliya, kuwaas oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay doorashada hoggaanka ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Madaxeyne Xasa Sheekh Maxmuud ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay doorashadii taariikhiga aheyd ee ka dhacday magaalada Muqdisho taas oo uu ku tilmaamay in ay billow fiican u tahay hormarka ay Soomaaliya ku sii tallaabsaneyso.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay bahda saxaafadda in ay ka shaqeeyaan hormarka iyo nabadda lagana fogaado wax walba oo dadka Soomaaliyeed iska hor keeni kara.

Ugu dabmeyntii Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in adeeg caafimaad oo dalka dibaddiisa ah loogu qaadayo Wariye C.rasaaq Jaamac Black oo ay dhaawaceen Al-shabaab, kaas oo hadda mar labaad galay Qalliin labaad suxufiyiinta Soomaaliyeedna ay Madaxweynaha weydiisteen in uu helo baxnaano Caafimaad oo dalka dibaddiisa ah.suxufiyiin iyo xasan shiikh