( DAAWO SAWIRO ) Madaxda Puntland iyo safaaradda Itoobiya oo u dabaal degay 20-ka Gimbot oo ku beegan markii xukunka laga tuuray Mingiste Haile Mairam

1
657

Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen madaxda maamul goboleedka Puntland, qeybaha bulshada, jaaliyadda Itoobiya ee ku nool Puntland iyo marti sharaf kale, waxayna dhamaantood shacuurtooda la qeybsadeen farxada iyo damaashaadka xuska 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay iska eryeen xukunkii Dirgiga ahaa ee kaliye taliye Mingiste Haile Mariam oo shacuurta Itoobiya ku xukumayay kali-talisnimo iyo fikradihiisii aydiyaloojiyadeed ee dariiqada Marxkism-Lininism.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camey ayaa shacabka iyo Dawladda Ethiopia ku bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsadeen 25-sano kadib markii ay ka xaroobeen taliskii Dirgiga ee Mingiste Haile Marian, isagoo bogaadiyay xukunka xisbiga EPRDF oo uu sheegay inuu Itoobiya u horseeday dimoqraadiyad iyo caddaalad.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, Asmalaash ayaa madaxda iyo shacabka Puntland ugu mahad celiyay sida ay ugu qeyb qaadeen dabaal dega munaasabadaan ay ku mideysan yihiin qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay farxadda ula qaybsadeen.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayay 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii xisbiga EPRDF ee talada dalka Ethiopia haya uu ka tuuray xukunkii Dirgiga ahaa ee kaliye taliye Mingiste Haile Mariam oo ku beegneyd 28-kii May 1991-kii, bila tirsiga Itoobiyana uu ahaa 20-kii Ginbot 1983-kii. jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF oo markaasi si rasmi ah ula wareegeen talada xukunka Itoobiya ee uu hoggaaminayay Meles Zenawi.

Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen madaxda maamul goboleedka Puntland, qeybaha bulshada, jaaliyadda Itoobiya ee ku nool Puntland iyo marti sharaf kale, waxayna dhamaantood shacuurtooda la qeybsadeen farxada iyo damaashaadka xuska 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay iska eryeen xukunkii Dirgiga ahaa ee kaliye taliye Mingiste Haile Mariam oo shacuurta Itoobiya ku xukumayay kali-talisnimo iyo fikradihiisii aydiyaloojiyadeed ee dariiqada Marxkism-Lininism.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camey ayaa shacabka iyo Dawladda Ethiopia ku bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsadeen 25-sano kadib markii ay ka xaroobeen taliskii Dirgiga ee Mingiste Haile Marian, isagoo bogaadiyay xukunka xisbiga EPRDF oo uu sheegay inuu Itoobiya u horseeday dimoqraadiyad iyo caddaalad.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, Asmalaash ayaa madaxda iyo shacabka Puntland ugu mahad celiyay sida ay ugu qeyb qaadeen dabaal dega munaasabadaan ay ku mideysan yihiin qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay farxadda ula qaybsadeen.

Itoobiya ayaa sanad walba waxaa si weyn looga dabaal degaa 28 May maalintii ay iska eryeen xukunkii Dirgiga ee Mingiste Haile Marian oo xiligaan ay kasoo wareegatay 25 sano.

W/diyaariyay: Cali Muxiyaddiin Cali

Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Comments are closed.