DAAWO: Xasuuqa Muslimiinta Dalka Myanmar oo ka sii dary

0
362

DAAWO:      Xasuuqa Muslimiinta Dalka Myanmar oo ka sii dary

Muslimiinta dalkaa ku yaala Qaarada Asia ayaa waxaa loo dhibaatenayaa diinta Islaamka oo ay aaminsanyihiin iyadoo aanu jirin dowlad Islaam ah mid aan aheyn oo dhibaatada dadkaas ka hadleysa.

Muuqaalo si qarsoodi ah loo duubay oo caalamka lagu baahiyay ayaa muujinaya dad isugu jira Rag Haweyn iyo Caruur Muslimiin ah oo inta dharka laga saaro si guud hal goob logu laa,ynayo.

Waxaa jira kuwa ka baxsada dhibaatada dalkaasi loogu geysto Muslimiinta laga tirada badan yahay laakin wadamada ay u baxsadaan ayaa dib ugu soo celiya Myanmar.

Dadka Muslimiinta waxaa lagula dhaqmaa wax walba oo xumaan ah waa la adoonsadaa hantidooda ayaa si bilaash ah looga qaataa waxaa laga qasaariyay Malaayin dollar oo hantidooda.

Bishii May 2015 waxaa la helay Xabaal wadareed ay ku aasanyihiin ilaa 30 Qof  Koonfurta Thailand xabsiyo lagu ciqaabo ayaa looga sameystay dhulka howdka ah waxaana dhibaatada lagu hayo qeyb weyn ku leh xubno sare dowlada ka mid ah.