Dagaalka sokeeye ee Suuriya oo ah Ajandaha ugu sareya Shirka Ruusha iyo Golaha Iskaashiga Carabta

1
345

Hogaamiyaasha Wadadamada Carabta ayaa kulan magaalada Moscow kula leh Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ruushka dadaal lagu doonayo In lagu joojiyo dagaalka ka socda dalka Suuriya.

Khamiistan manta kulan u dhaxeya Sergey Lavrov  iyo golaha iskaashiga Qaliijka wasiiradooda arimaha dibada xili uu wali dagaalka ay kooxaha mucaaradku ka sii wadaan waqooyiga dalka Suuriya gaar ahaan Magaalada Al Raqqa halkaas oo ay aad ugu xoogan yahiin kooxda Khilaafada Islaamiga ee ISIL iyadoo hormarka laga gaaray xabad joojintu uu yahay mid gaabis ku socda .

Si walba waxaa jira kala fikir duwanaasho aad u weyn oo u dhaxeya labada dhinac kuwaas kulan ka yeesha markii dagaalka dalka Suuriya ka socda.

” mid ka mid ah wax yaabaha laysku maan dhaafsanyahay ayaa waxaa ay tahay in xukunka uu ka tago hogaamiyaha Suuriya President Bashar al-Assad,”

“Aragtida kale ayaa ah in hal meel laysugu keeno kooxaha kala duwan mucaaradka ee xiligan dagaalka kula jira dowlada dalkaas.

Comments are closed.