Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Kenya Iyo Tulooyin Ay Horay U si Gubeen

1
315

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganeysa ilaha Sirdoonka dalkaas ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, iyagoo ka soo gudbay xuduuda Soomaaliya.

Dagaalyahanadan ayaa ka gudbay Tuulada Surgow oo ku taala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dagaalyahanada ka gudbay xuduuda lagu qiyaasay 50-meeyo.

Guddoomiyaha degmada Wajer Maxamed Sheekh ayaa u xaqiijiyay Wakaalada wararka ee AP in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha Kenya galeen.

Booliska Kenya ayaa ka digay weeraro ay ka geystaan gudaha Kenya, iyadoo dagaalyahanadan la sheegay inay koox koox isu qeybiyeen, si ay u fuliyaan weeraro qorsheysan.

Sirdoonka Kenya ayaa laamaha Ammaanka Kenya ku wargeliyay inay ka feejignaadaan weeraro ka yimaada dagaalyahanadaas, waxaana laga digay weeraro dhaca bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalmo ka harsan tahay.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro dhowr ah ka fuliyay gudaha Kenya, 2-dii April ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Jaamacadda Gaarisa ay ku dileen 147 ruux oo u badnaa ardaydii dhiganeysay Jaamacadaas.

Comments are closed.