Danjire Jamaal Baroow Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka K/Africa

1
399

Jamaal Barrow Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Africa ayaa safar shaqo ah ku tagay magaalada Restenburg , waxaana uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ganacsato, Odayaal iyo Dhalinyaro Soomaaliyeed, waxaana kulanka looga hadlay kaalinta Jaaliyadda ay ka ciyaari karto wadashaqeynta Safaaradda iyo sidii Safaaradda ay wax ugu qabanlahed dhibaatooyinka.

Xoghayaha Kowaad ee Safaaradda, Ismaaciil Cabdalla Soomaane oo safarkan Safiirka ku wehliyay ayaa ka hadlay kulanka, waxaana uu sheegay in Jaaliyadda Restenburg ay ka mid tahay Jaaliyadaha kuwa ugu firfircoon.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Africa Jamaal Baroow ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda sida wanaagsan ay soo dhaweeyeen.

Waxaana uu sheegay in markii la soomagacaabay ilaa iyo hadda waxyaabo badan oo ku saabsan adeegyada Safaaradda uu wax ka qabtay isagoo dhinaca kale Jaaliyadda ku booriyay inay Safaaradooda garab istaagaan.

 

Comments are closed.