Deg Deg: Dab xoogan Oo goor dhaw ka kacay xarunta Cusub ee Degmada Kaxda

0
379

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu goor dhaw dab ka kacay Xarunta Cusub ee Degmada Kaxda.

Dabka ayaa la sheegay inuu wali ka soconayo Xarunta Cusub ee Degmada Kaxda,waxaana socda Gurmad lagu daminayo Dabkaasi.

Gaadiidka dab damiska ah  Maamulka Gobolka banaadir iyo kuwa Shirkadda Hormuud ayaa ku Hawlan daminta Badka.

Wali ma jirto Cid og Sababta keentay in Xarunta Cusub ee Degmada Kaxda uu dabku ka kaco.

waxii warar ah oo ku soo kordhana waxaad kala socondoontaan wararkeen xiga in sha allah