{DHAGEYSO} Dab Qasaara Geestay Oo Ka Kacay Magaalada Garoowe

448

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in dab xoogan uu ka kacay kaam ku yaala magaalada garoowe  uu sababay dhimashada 2 qof.

Kaamka uu dabku kacay ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen 2 wiil oo walaalo ah kuwaa soo da’dooda lagu qiyaasay 13 jir iyo 9 sano jir.

Gudoomiyaha kaamkaasi oo lagu magacaabo C/nuur Cali Cabdi, ayaa Hiiraanweyn u sheegay in dabka uu kacay batarida gawaarida oo yaalay mid kamid ah guryaha kaamka.

Maamulka Garoowe ee Puntland ayaa shegay in gurmad u fidiyen dadka kaamka dabku ku qabsaday.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-