{DHAGEYSO} Fatahaada B/weyne Oo Gaartay Heerkii Ugu Sareyay Iyo Walaaca Dadka

6
489

Barakaca fatahaada Magaalada B/weyne ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay  waxaana jira boqollaal qoysas ah oo wali ku dhax xayiran Fatahaadda Xad-dhaafka ah kuwaasoo aan haysan cid u maciinta madaama haweenka iyo caruurta ku adag tahay inay u bareeraan biyaha.

Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin oo ugu sii darran marka loo eego magaalada inteeda kale  ayeey meelaha qaar biyuhu ka dulboodayaan safka kore ee guryaha  taasoo qof walba uu ka cabir qaadan karo heerka jooga biyaha ay marayaan.

Ilaa iyo hadda dowladda federaalka kama aysan hadlin marxalada adag ee soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo malaha waqtigan oo kale loo baahanaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah, gaar ahaan dadka biyaha ku dhax go’doonsan oo jecelaan lahaa in ay hellaan Doomo dheerye oo soo daabula iyaga iyo alaabahooda.

Biyaha fatahaada ayaa wali laheyn Wax nusqaan ah  waxaana muuqata in ay isku sii ballaarinayaan Xaafaddo hor leh oo aysan wali inta la xasuusto saameyn ku yeelan  laakiinse dhinaca kale hadal heynta ugu badan ayaa ah in uu jiro hoos u dhac uu sameynayo wabiga deegaannada qaar  balse dadka ayaa aamisaneyn sida uu shegay Wariyahena Aadan Cabdi Axmed {Qeys}

Haweenka  Carruurta iyo Waayeelka  ayaa ah kuwa ay sida gaarka u taabaneyso nolasha adag ee soo food-saartay dadka ku nool degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo gabi ahaanba la oran karo waxaa maasheeyay biyo sanadihii ugu danbeeyay aan noocooda wali horay loo arag Mgaaalada Baledweyne.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

Comments are closed.