{DHAGEYSO} Madaxweynaha Jubbland Oo ku Baaqay joojinta colaada Baledweyne

0
353

Madexweynaha maamulka Jubbland ayaa ku baaqay in la joojiyo Colaadaha ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan .

Axmed Maxamed Islam Axmed madoobe madexweynaha maamulka Jubbland ayaa ugu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamay Baledweyne maalmihii la soo dhaafay in ay dagaalka joojiyaan,islamarkaana ay nabada qaataan.

Hogaamiyaha Jubbland ayaa sheegay in dadka reer Baledweyne uu ugu baaqayo in ay hishiiyaan,islamarkaana dagaal dambe uusan ka dhicin Baledweyne.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland in Madaxda Maamul goboleedyada dalka loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan joojinta colaada ka taaagan gobbolka Hiiraan.

Mudooyinkii dambe waxaa Xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Baladweyne ka taagnaa dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Hiiraan.

HALKAN KA DHEGEYSO