{DHAGEYSO} Madaxweynaha Oo Go’aankii Ugu Dambeyay Ka Gaaray Doorashada 2016’ka

0
385

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Go’aamadda uu ka qaatay Hanaanka Doorashada ee 2016,waxaana uu xusay in si loo yareeyo Khilaaf iyo is qab qabsi ragaadiya Soomaaliya uu Xeer ku aadan Doorashada Soomaaliya uu soo saaray.

Qodabada ku jira Xeerka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah.

In la dhaqan galiyo Go’aankii Hogaamiyaasha Soomaalida ay ku gaareen Magaalada Muqdisho 12-kii April ee qeexayay Doorashada Soomaaliya 2016.

In Hanaankaan loo adeegsanyo oo kaliya Doorashada Soomaaliya 2016 markii ay dhamaadaan Waqtiga Hay’addaha Dowladda Federaalka.

In la ilaaliyo dhamaan Matalaad ay yeeshaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo ah dhanka Aqalka sare,waxaana Dadka ku nool Muqdisho in ay helaan Mataalaad Aqalka sare ah Go’aan ka gaari doona Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-