{DHAGEYSO} Midowga Ardada Degmada Bullo-burte Oo Doortay Gudoomiye Cusub

1
514

Midowga  Ardayda Degmada bulo burte ayaa doortay gudoomiye cusub kadib kulan ay ku yeshen Magaalada Muqdisho si ay kaga gudbaan ku meelgaar waxana doorashadaasi ka qeyb galay in kabadan laba boqol oo arday kana soo jeda Degmada Bullo-burte.

Gudoomiyaha Midowga Ardada Degmada Bullo-burte ayaa waxa  si rasmi ah loogu doortay Cabduqaadir Maxamed Xalane inuu noqdo gudoomiyaha waxana sdioo kale gudoomiye ku xigenka midowga ardada Bullo-burte loo dortay Kooshin Maxamud maxamed.

Gudoomiyaha Midowga ardada Degmada Bullo-burte Cabduqaadir Maxamed Xalane oo la hadlay Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Degmada Bullo-burte ayaa shegay inuu waxbadan u qaban doono ardada kasoo jeda degmada ee aan awoodin waxbarashada .

Ururkan ay ku mideysan yihiin ardada Degmada Bullo-burte waxa uu saacidi doona dhaman arday walbo oo soo dhameeyso dugsiga sare isla markaana ku dadaali doonan sidii ay  u heli lahaayen jaamacado lacag la’aan ah sidoo kale ujeedka ururka inuu aheyn caawinta ardayda kali kana qayb qaadan doonaan dhamaan caawinta qof kasta oo reer Bullo-burte ah’’Sidaasi waxa Hiiraanweyn u shegay Gudoomiyaha cusub ee Midowga ardada Bullo-burte.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Midowga Aradad Bullo-burte:-

Comments are closed.