{DHAGEYSO} Rag dil ka geystay Caabudwaaq Oo gacanta lagu soo dhigay

2
399

Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka  Galgaduud ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen raggii ka dambeeyay  dil loo geystay 4 qof shacab ah oo shalay lagu dilay degmada Caabudwaaq  ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dilalkii shalay ka dhacay degmada in  ay salka ku hayeen aanooyin qabiil,islamarkaana ay hada gacanta ku hayaan raggii shalay dilka fuliyey.

Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay in sabab la’aan loo dilay dadkaas,islamarkaan ay maamulka degmada tilaabo ka qaadi doonaan dadkii falkaas ka dambeeyey .

Shalay galinkii dambe ayaa 4 qof shacab ah lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO CODKA

Comments are closed.