{DHEGEYSO} Dowlada Somalia Oo Faah Faahin ka bixisay Shirka Hanaanka Doorashooyinka EeMuqdisho

1
566

Maanta waxaa Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia ka furmay Shirka hanaanka Doorashooyinka Dalka kaasi oo ay ka qeeybgalayaan madaxda dowlada Somalia sida Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ra’isilwasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Xubnaha Maamul Goboleedyada Dalka .

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Mudane Daa’uud Aweeys Jaamac oo Wariyaasha la hadlay Ayaa Faah Faahin ka bixiyay Shirkaasi waxaana uu sheegay in shirkaasi waxyaabo kala duwan looga hadlay .

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho Shirka hanaanka doorashooyinka Qaran Ee Dalka Somalia.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa Dhameeystirka Qudubo lagu heshiisyay oo Xubnaha Madasha wadatashiga qaran ay ku heshiiyeen.

HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO CODKA

Comments are closed.