Dowladda Soomaaliya oo balan qaaday in dibadda loo qaadayo Wariye C/risaaq Blac Iyo Saxafada Somaliya Oo So Dhaweysay

0
407

Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dibadda loogu qaadi doono Wariye C/risaaq Cilmi Black oo kol hore ku dhaawacmay rasaas dabley hubeysan ku fureen, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay Ergadii Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee lagu doortay Hoggaan cusub ayaa balan qaaday in dowladdu ay caafimaad dibadda ah u qaadi doonto Wariye C/risaaq Jilmi Black.

“C/risaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa, Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo “

Marnaba raali kama nihi, waana ina xanuunjineysaa in wariyayaasha la handado, la cabsi geliyo, la waxyeeleeyo ama la dilo, Dowladda waad ogtihiin in intii awoodeeda ah ay ka ilaaliso cadowga dilaya, dilayaasha wariyayaashuna qaarkood ay soo qabtay sharcigana marsiisay kuwa kalana waa la soo qaban doonaa haddii Allaah yiraah” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay doorashadii hoggaanka cusub ee NUSOJ, waxaana uu ku tilmaamay mid muujineysa biseeylka ay Soomaaliya gaareyso.

“Waxaan rabaa inaan idin ku hambalyeeyo doorashadii quruxda badneyd ee aad isku doorateen ee Muqdisho ka dhacday 17 May 2016, waxay ka mid tahay biseeylka Soomaaliya ay gaareyso oo ay meel walba kaga soo kabaneyso, cashar ayaa dhigateen waana idin ku amaanayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu u mahad-celiyey guddiga Badbaadada Saxaafadda ee u soo dhabar adeegay inay mideeyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo ay si guul ah ay ku soo dhamaadaan shirweynahii Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo doorashooyinkii hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in Ururka Suxufuyiinta Qaranka ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada bulshadda rayidka ah ee madaxa-banaan , sharciyadoodana waxa ay ku timaadaa kalsoonida iyo rabitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraateed Madaxda NUSOJ waa in ay ku dedaalaan mideynta,wadajirka iyo u istaagida danaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambenytii, Madaxweynaha ayaa ku dhiira-geliyey suxufiyiinta Soomaaliyeed howlaha shacabkood ay u hayaan islamarkaanna ugu baaqay in ay sii laba-laabaan ka shaqeynta nabadda iyo horumarka iyo qeyb-qaadshadda dib u dhiska dalkooda Hooyo.