FAAH FAAHIN Dheraad ah Oo Ka sobaxeyso Qaraxyo is-xiga oo lagu weeraray Ciidamada Puntland ,

0
379

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in qaraxyo is xiga maanta barqadii lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyada oo ahaa miino dhulka hoostiisa lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidanka Puntland ee saldhigyada ku leh Buurta Galgala.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland uu ka soo gaaray qaraxyada khasaare kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen in afar askari uga dhaawacantay.

Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxyada maanta ka dhacay Buuraha Galgala ayaa sheegtay inay ku dishay illaa 17 askari oo ka mid ah ciidanka Puntland.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii askar ka tirsan Puntland lagu dilay qaraxyo ka dhacay Buuraha Galgala, waxaana muddooyinkan soo badanayay qaraxyada lala eeganayay Kolonyada Ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Kooxda Al-Shabaab oo fariisimo ku leh buuraha Golis, waxaana dhowaan  koox sheegtay inay ku biirtay Daacish ay ka soo muuqday deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya.