Faah Faahin Dheraad ah Oo Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceel-waaq

0
367

Wararka ka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen balse uu iska horimaad hubeysan ka dhacay duleedka magaalada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo dadka dhaawacmayna uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada Booliska magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan ayaa u sheegay saxaafada in dagaalka ay ku dileen dagaalka 6 kamid ah maleeshiyaadka Al-shabab,waxaana uu xusay in dhankooda ay ka dhaawacmeen saddex askari oo uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Degmada.

Al-shabaab dhankooda waxaa ay sheegteen in halkaa ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Isku horimaadkan ayaa yimid ka dib markii la xiray askar ka tirsan ciidamada maamulka magaalada Dhoobleya,waxaana halkaa ka dhacay dagaal muddo kooban qaatay oo ciidamada dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan ay ku dhinteen labo ka mid ah ciidamadii dagaalamay ah,iyadoo dhaawacana uu ka badan yahay shan ruux.