Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,”Waa in la caddeeyo maqaamka Muqdisho

1
447

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay muhiim tahay in la caddeeyo Maqaamka ay siyaasadda dalka ku yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya, isagoo baaq u jeediyay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in muddo la sugayay in la sameeyo maqaamka Caasimadda, balse ay xilligan tahay xilligii uu ku haboonaa, isagoo tilmaamay in dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda.

“Waxaa is leeyahay Maqaamka Caasimadda oo muddo badan la sugayay in la sameeyo, in maanta ay tahay xilligii uu ku haboonaa, Shacabka Gobolka Banaadir xuquuqda ay leeyihiin inay helaan waa muhiim, wixii shacabkaas ka maqan ayaa tilmaameynaa, waxa naga maqan ayaa rabnaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka digay inay dhacdo Cadaalad darro, isagoo xusay in dhibaatada cadaalad darada ay ku soo laabaneyso shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in wax laga bedeli karo go’aankii horay u gaareen Madaxda ee ku saabsanaa matalaad la’aanta Muqdisho ee Aqalka sare.

“Cadaaladda Soomaaliya iyada ayay dan u tahay, dhibaatada cadaalada darada ka timaada Soomaalida ayay ku soo laabensya, waxaa ka digeynaa in aysan cadaalad darro dhicin, hadii shalay la yiri 54 ayaa xubno ka noqoneysa Aqalka sare, maanta wax waa laga bedeli karaa, ma ahan Aayad Qur’aan oo aan wax laga bedeli Karin”ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Jimcaale.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in Shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee maanta uga furmaya Muqdisho inuu ka soo baxo go’aan ka duwan kii hore, waxaana uu tilmaamay inay mar walba uu ku shaqeynayo rabitaanka shacabka, isla markaana codkooda la maqlo.

Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa laga yaabaa inay hareyso dood ku saabsan Maqaamka Muqdisho iyo matalaad la’aanta Aqalka sare, iyadoo go’aanadii horay uga soo baxay Madaxda uu ahaa in Muqdisho aanay heli doonin xuquuqda ay helayaan 18-ka gobo lee dalka.

Comments are closed.