Guddoomiyaha gobolka Bari Dhado: Waxaan qabanay Tahriibayaal iyo kuwa Al-Shabaab uga shakinay

0
664

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay dad tahriibayaal ah iyo kuwa loo shakisan yahay iney kamid yihiin kooxda Al-Shabaab.

Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ay qabteen dad tahriib doon ah iyo kuwa kale oo ay uga shakisan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa xusay dadka ay qabteen iney isugu jiraan dad Tahriib ugu socday dalka Yemen iyo dad kale oo looga shakiyey iney ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ugu celinayaan dadka ay qabteen ee tahriibayey dhulkoodii ay markii horeba kasoo socdaaleen.

“”Muddo ayaan ka hadalnay dhibaatada tahriibka, waxa aan xoogg saareynaa in aanan laga talaabin xeebta, waa qatar, waxaana lagu jiraa xili xagaa ah “”ayuu yiri Dhado