Hawlgal maanta laga sameeyay Gobolka Bakool oo lagu soo qabtay Sarkaal Shabaab ah

3
337

Hawlgalkan oo ka dhacay deegaanka Yab Yab oo qiyaastii 30km dhanka bari kaga toosan Magaalada Xudur, ayaa waxaa lagu soo qabtay ninka lagu magacaabo Xasan Isaaq Nuur.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa si wada jir ah gacanta ugu soo dhigay Sarkaalka ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sarkaalkan, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya inuu Shabaabka Gobolka Bakool u qaabilsanaa uruurinta lacagaha iyo xoolaha ay ugu yeeraan Zakaawaat-ka.

Xasan Isaaq Nuur, ayaa waxaa caawa lagu hayaa xero militari oo Ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Hawlgalkan, ayaa waxaa la xaqiijiyay inaanu wax dhiig ihi ku aadan, isla-markaana ay labada ciidan si nabdoon gacanta ugu soo dhigeen ninka ka tirsan Al Shabaab.

Comments are closed.