Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran Oo Berri shir uga furmaya Muqdisho

0
386

Maalinta Beri  ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyaasha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goleedyada ayaa  maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn la sheegayo in ay soo gaaraya dhammaan madaxda maamul goboleedyada caawa ilaa galabta .

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islam Axmed midoobe oo maanta kula hadlay warbaahinta  Muqdisho  ayaa sheegay in ay ka qeyb galayo shirka madasha wadatashiga qaran oo beri ka furmaya Muqdisho.

Qodobada badanaa looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah sidii Muqdisho loogu soo dari lahaa aqalka Sare iyo go’aankii uu qaatay madexweynaha Soomaaliya kasoo ahaa in uu xeer madexweyne ku ansixiyey qodobadii kasoo baxay Shirka Madasha wadatashiga qaran.