Jubbaland oo diidan in Muqdisho ay yeelato Matalaad Aqalka sare ah

0
341

Warsaxaafedeed ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay Arrimo la xariira Doorashooynka Dalka ee la filayo in Dalka ay ka dhacdo Bisha Sagaalaad ee sanadkan.

Warsaxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in aysan Aqbali dooni wax ka badal lagu sameeyo Heshiiskii Madasha Qaran ee 12-kii Bishii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay wada galeen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in aysan Jubbaland ogolaan doonin in Muqdisho lagu daro ama wax laga siiyo Xubnaha Aqalka Sare ee Sanadka ah,maadaama waxii lagu heshiiyay aysan ku jirin Arrintaas.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa dhowr jeer dhigay Banaanbax ay ku dalbanayaan in ay helaan Matalaad dhanka federaalka ah Maadaama Muqdisho ay ku nool yihiin Dad aad u badan.