Koobka horyaalka Yurubka oo caawa lasoo gabagabaynayo

1
538

Qaban qaabada  xaflada lagu soo gabo gabaynayo hooryaalka Yurub ee loo yaqaan Yuwefa Jambiyoon ayaa ka socota magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Taageerayaasha  iyo cayaaryahanada naadiyada Real Madrid iyo Atlic Madrid oo cayaarta kama dambeysta ah cayaaraya ayaa ku sugan magaalada Milano waxaana garoonka ay cayaarta ka dhacayso Sensiiriyo la geeyay ciidamo boolis ah oo amaanka suga.

Dadka ka qeyb galaya xaflada gaba  gabada koobka Jaambiyoonka waxaa ka mid ah cayaartoy hore oo ay ku jiraan Ronaldo iyo Ronaldinho.

Macalimiinta labada naadi ayay caayaartaan taariikh u tahay maadaama ay horey uga tirsanaayeen ayagoo cayaartoy ah labada kooxood waxaana ay labaduba rajeeyeen inay ku guulaysan karaan.

Cayaartoyda kooxda Real Madrid ayaa loo balan qaaday lacag abaal marin ah.

 

Comments are closed.