{ DAAWO SAWIRO } Lixdan jir ka mid ah ardayda u fadhida imtixaanka dugsiyada sanadkaan:

0
406

 

Axmadeey Saneey oo ku jira da’da lixmadeeyada ayaa kamid dadka sanadkaan u fadhiya imtixaanadkan mideysan ee dugsiyada ee sanadkan oo dowladda ay qaadeyso.

Waxa uu kamid yahay 45,000 oo arday oo imtixaan u fadhisa dalka oo dhan,isaga waxa uu ku sugan yahay degmada Balcad ee gobolka Shabeele Dhexe.

Ninkan ayaa hambalyo ka helay dhamaan dadka ay ehelka yihiin iyo asxaabtiisa qaar kamid ahna baraha bulshada ayay ugu hambalyeynayen.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii labaad qaadeysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe.

1 2