Maamulka Aadan abaal oo sheegay in ay dileen seddex ka tirsan Shabaab

1
385

Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen seddex ka tirsan ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Sheekh Xasan  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka hor tageen raggaas oo doonaayey in weerar ka geystaan degmada Aadan-Yabaal.

Maxamuud Sheekh Xasan ayaa intaas ku daray in raggaas ay hubeysanayeen hadafkoodna uu ahaa in ay weeraraan degmada.

Dhawaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shabaab ka qabsaday degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

 

Comments are closed.