Madaxweynaha Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa booqasho ku tagay xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana booqashadaas ku wehlinayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soomaaliya.
Madaxweyne Cabdikariin iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa ay kormeereen qeybaha uu ka kooban yahay xabsiga Dhexe iyo Maxaabiista ku xiran xabsiga.
Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in maanta Madaxweynaha Galmudug ay ku wareejiyeen Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta maamulka Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu ubaahan yahay in laga taageero dhanka qalabyada xabsiyada iyo sidoo kale hey’adaha amaanka Galmudug sidii loo tayeen lahaa.