Madexweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka qeyb galaaya shirka looga hadlaayo arimaha xuquuqul aadanaha ee ka furmaya dalka Turkiga.
Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dheer oo uu ugu hadlaayo xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo sidoo kale qorshaha dowladiisa ee ku aadan hormarinta arimaha aadanaha.
Shirkaan ayaa ah shir caalami ah waxaana kasoo qeybgalaya ku dhawaad 70 madexweyne raiisulwasaarayaal iyo sidoo kale ku dhawaad 600 oo aqoonyahan.
Waa shirkii ugu horeeyey ee looga hadlaayo arimaha xuquuqul aadanaha oo lagu qabto dalka Turkiga.