Qarax Khasaare geystay Oo Lala Egtay Ciidamada Dowlada somalia Degmada Hodan

0
351

Wararka inaga soo gaaraya Xaafada KPP ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu ka dhacay Qarax Khasaare geystay.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay goob ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka.

Ilaa Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa qaraxaasi ku dhaawacmay, kuwaasi oo ku sugnaa goobta Qaraxa Miinada ay ka dhacday.

Maamulka degmada Hodan iyo sidoo kale ciidanka ammaanka ayaa goobta soo gaaray,waxaana si weyn loo adkeeyey amniga