Taliyaha Ciidamada Milatariga Gobolka Galgaduud oo Xabsiga la dhigay

0
354

Maxamed Kaariye Caraale “Dhagadheere” Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Gobolka Galgaduud ayaa Mudo bil ku dhaw ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye Dhagadheere ayaa la sheegay in ay Xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana loo xiray Dil si barer ah loogu fuliyay Sargaal ka soo goostay Al-shabaab oo lagu Magacaabi jiray Ciise Cali Mire,kaas oo lagu dilay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur ayaa Xaqiijiyay xariga Taliyaha Ciidanka Milatariga Ee Gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye Caraale,waxaana uu xusay in loo haysto Amar uu ku bixiyay Dilka Sargaalka ka soo baxay Shabaab ee Ciidanka Dowladda isku dhiibay.