Ugaas Xasan” Xukuumada Wax Kaalmo ah Masoo Gaarsiin Dadka ay Saameysay Fatahaada

1
429

Shacabka  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia, inaysan wax Kaalmo ah soo gaarin tan iyo markii ay fatahaaddu ku dhufatay magaalada B.weyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlayay Shacabka reer Baladweyne ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka Somalia inaysan weli kaalmo soo gaarsiin, balse ay kaalmo kooban ka heleen Xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale Ugaas Xasan, ayaa Hadalkiisa ku daray, inay Nasiib-darro weyn tahay in Dowladda Somali ay Gurmadyo la gaarto xilliyadii abaaraha jireen deegaanno kala duwan oo ay ka mid tahay Somaliland, laakiinse aysan weli Kaalmo soo gaarsiin shacabka reer Hiiraan.

Fatahaadaha ku dhuftay  Baladweyne, ayaa waxay sababeen in gabi ahaan shacabkii ku noolaa magaalada ay ka barakacaan, iyagoo ku sugan Dulleedyada Baladweyne, iyagoo aan haysan cid caawisa iyo Cunno ku filan. Ganacsatadii magaaladana ay alaabadoodii kala baxeen goobahoodii ganacsi kaddib biyo fara badan ay galeen.

Ugu dabmeyn  fatahaada ku dhufatay Degmada Baladweyne ay Noqonayso middii ugu xumayd ee soo marta mudo 30-sano ah, ayaa waxaa laga baqdin qabo inay Fatahaadan ka dhashaan cuduro ay ka mid yihiin; Shuban-biyood iyo Mallaariyo, isla markaana sababi kara dhismo fara badan.

Comments are closed.