Wararkii ugu dambeeyey xaalada magaalada Caabudwaaq oo kacsan

0
338

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya ayaa kusoo waramaya in xaalada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud in ay kacsan tahay ka dib markii shalay ay ka dhaceen dilal qorshaynsan.

Magaalada Caabud-waaq ayaa maanta  jawigeeda waxa uu yahay mid kacsan oo dadka halkaasi degan ay dareemayaan cabsi fara badan.

Maamulka Caabud-waaq ayaa waxa ay sheegeen in ay in ay ku raadjoogaan ninka ka dambeeyay dilka loo geystay 4-ta qof.

Marar badan ayaa degmada Caabudwaaq waxaa ka dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil iyadoona  maamulka degmada Caabudwaaq uusan wali ku guuleysan in xal laga gaaro dilalka ka dhaca caabudwaaq .