( DAAWO SAWIRO ) Xabsi daa’in lagu xukumay shan nin oo ka danbeeyay qaraxyadii 2010 ka dhacay Ugandha

0
381

Maxkamad Uganda ayaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah ku xukuntay shan nin oo lagu soo eedeeyay inay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kambala sanadkii 2010-kii ee lala beegsaday goob laga daawanayay ciyaartii finalka koobka adduunka

Qaraxyadaasi oo ahaa kuwo ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhintay 76 qof oo dhalinyaro u badnaa iyo tiro fara badan oo ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, maxkamadda Ugandha waxay Labo nin oo kale ku xukuntay min kontan sano oo xarig ah.

Qaraxyadaasi oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa lala eegtay taageerayaasha ciyaarta kubadda cagta oo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartankii koobka kubadda cagta adduunka ee sanadkii 2010.

Mas’uuliyada qaraxyadaasi ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo tilmaamay in ay jawaab u ahaayeen weerarkaasi ka qayb ahaanshaha ciidamada Uganda ay ka qaybta ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.